27 Oo markii derbigii Yeruusaalem gaar laga dhigay kuwii reer Laawi mid kasta meeshiisii baa laga doondoonay in iyaga Yeruusaalem la keeno si gaarkadhigidda farxad loogu sameeyo, oo mahadnaqid iyo gabay, iyo suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataaradoba Ilaah loogu ammaano.
28 Oo kuwii gabayaaga ahaana waxay iska soo urursadeen bannaankii Yeruusaalem ku wareegsanaa iyo tuulooyinkii reer Netofaah,
29 iyo weliba Beytgilgaal, iyo beerihii Gebac, iyo Casmawed, waayo, kuwii gabayaaga ahaa tuulooyin ayay ka dhisteen Yeruusaalem hareeraheeda.
30 Markaasaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen, oo waxay kaloo daahiriyeen dadkii iyo irdihii iyo derbigii.
31 Kolkaasaan amiirradii dalka Yahuudah keenay derbiga dushiisa, oo waxaan doortay laba kooxood oo waaweyn oo mahadnaqa, oo kooxba raggeedu isdaba socdo. Midi waxay tagtay xagga midig derbiga dushiisa ee Iridda Digada,
32 oo waxaa iyagii daba galay Hooshacyaah iyo amiirradii dalka Yahuudah badhkood,
33 iyo Casaryaah, iyo Cesraa, iyo Meshullaam,
34 iyo Yahuudah, iyo Benyaamiin, iyo Shemacyaah, iyo Yeremyaah,
35 iyo wiilashii wadaaddada qaarkood oo turumbooyin wata, kuwaasoo ahaa Sekaryaah oo ahaa ina Yoonaataan, ina Shemacyaah, ina Matanyaah, ina Miikaayaah, ina Sakuur, ina Aasaaf,
36 iyo walaalihiis oo ahaa Shemacyaah, iyo Casareel, iyo Milalay, iyo Gilalay, iyo Maacay, iyo Netoneel, iyo Yahuudah, iyo Xanaanii, iyagoo wata alaabtii muusikada oo Daa'uud oo ahaa ninka Ilaah, oo iyaga waxaa u horreeyey karraanigii Cesraa.
37 Oo xagga Iriddii Isha Biyaha iyo hortoodii ku qummanayd ayay kor u fuuleen jaranjaradii magaalada Daa'uud meesha derbiga laga fuulo oo ka korraysa gurigii Daa'uud, iyo ilaa Iridda Biyaha oo xagga bari ah.
38 Oo kooxdii kale oo kuwa mahadda naqaa waxay u kaceen inay ka hor tagaan, oo anna iyagaan daba socday; aniga iyo dadkii badhkiis waxaannu soconnay derbiga korkiisa, xagga ka sarraysa Munaaradda Foornooyinka iyo xataa tan iyo derbiga ballaadhan,
39 iyo xagga ka sarraysa Iridda Efrayim, iyo Iridda Gabooday agteeda, iyo Iridda Kalluunka, iyo Munaaradda Xananeel, iyo Munaaradda Mee'aah, iyo xataa Iridda Idaha; oo waxay joogsadeen Iriddii Waardiyaha.
40 Oo sidaasay u joogsadeen labadii kooxood oo kuwii mahadda ku naqi jiray gurigii Ilaah, iyo aniga, iyo taliyayaashii badhkood oo ila joogay,
41 iyo wadaaddadii ahaa Elyaaqiim, iyo Macaseeyaah, iyo Minyaamim, iyo Miikaayaah, iyo Eliyooceenay, iyo Sekaryaah, iyo Xananyaah, oo wata turumbooyin;
42 iyo Macaseeyaah, iyo Shemacyaah, iyo Elecaasaar, iyo Cusii, iyo Yehooxaanaan, iyo Malkiiyaah, iyo Ceelaam, iyo Ceser. Oo kuwii gabayaaga ahaana cod dheer bay kula gabyeen Yesraxyaah oo ahaa madaxoodii.
43 Oo maalintaas waxaa la bixiyey allabaryo badan, oo waa la wada farxay, waayo, Ilaah baa farxad weyn kaga farxiyey, oo dumarkii iyo carruurtiina way farxeen, sidaas daraaddeed Yeruusaalem farxaddeedii waxaa laga maqlay meel fog.
44 Oo maalintaas ayaa rag loo doortay inay u taliyaan qolalka khasnadaha, iyo qurbaannada kor loo qaado, iyo midhaha ugu horreeya, iyo meeltobnaadyada, si loogaga soo ururiyo beeraha magaalooyinka oo dhan qaybihii sharcigu u amray wadaaddada iyo kuwii reer Laawi, waayo, dadka dalka Yahuudah way ku faraxsanaayeen wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo adeegayay. 45 Oo waxay dhawreen wixii ku saabsanaa u adeegidda Ilaahood iyo wixii ku saabsanaa isdaahirinta, oo kuwii gabayaaga ahaa iyo irid-dhawryadiina saasoo kalay yeeleen, sidii uu amarkii Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaan ahaa. 46 Waayo, waagii hore oo ahaa wakhtigii Daa'uud iyo Aasaaf waxaa jiri jiray nin madax u ahaa kuwii gabayaaga ahaa, oo waxaa Ilaah loogu gabyi jiray gabayo ammaan iyo mahadnaqid ah. 47 Oo wakhtigii Serubaabel iyo wakhtigii Nexemyaah reer binu Israa'iil oo dhammu way wada bixin jireen qaybihii kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii irid-dhawryadaba intii maalin kasta loo baahnaan jiray; oo in bay gooni uga dhigeen reer Laawi, oo reer Laawina in bay gooni uga dhigeen reer Haaruun.
<- NEXEMYAAH 11NEXEMYAAH 13 ->