1 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, haddaad soo noqotaan, waa inaad xaggayga u soo noqotaan, oo haddaad karaahiyadiinna hortayda ka fogaysaanna innaba laydin dhaqdhaqaajin maayo. 2 Oo haddaad si run iyo caddaalad iyo xaqnimo ah ugu dhaarataan, Rabbigu waa nool yahay, de markaas quruumuhu isagay ku ducaysan doonaan, oo isagay ku faani doonaan.
3 Rabbigu wuxuu dadka dalka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem ku leeyahay, Dhulkiinna jeexan jabsada, oo qodxan dhexdood waxba ha ku beeranina. 4 Raggiinna dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganow, Rabbiga isu guda, oo iska gooya buuryada qalbigiinna, si ayan cadhadaydu u soo bixin sida dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin karin sharka falimihiinna aawadiis.
23 Bal eega, dhulkaan fiiriyey, oo waxaan arkay inuusan qaab lahayn oo uu madhan yahay, oo haddana samooyinkaan fiiriyey, oo iyana innaba iftiin ma ay lahayn. 24 Buurahaan fiiriyey, oo waxaan arkay inay gariirayeen, oo kurihii oo dhammuna way wada dhaqdhaqaaqayeen. 25 Oo haddana wax baan fiiriyey, oo ninna ma jirin, oo haaddii hawada oo dhammuna way wada carareen. 26 Oo haddana wax baan fiiriyey, oo waxaan arkay dhulkii midhaha badnaa oo abaaroobay, oo magaalooyinkeedii oo dhammuna Rabbiga hortiisa ayay ku dundunsanaayeen cadhadiisii kululayd daraaddeed. 27 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka oo dhammu wuu cidloobi doonaa, laakiinse anigu kulligiis wada baabbi'in maayo. 28 Taas aawadeed dhulku wuu u barooran doonaa, oo samooyinka sarena way u madoobaan doonaan, maxaa yeelay, waxan anigaa ku hadlay, oo anigaa u qasdiyey, oo innaba ka qoomamoon maayo, kana soo noqon maayo marnaba. 29 Magaalada oo dhammu waxay ka qixi doontaa qaylada fardoleyda iyo qaansoleyda, oo jiqday ku carari doonaan, dhagaxyada dushoodana way fuuli doonaan, magaalo kastana waa laga tegi doonaa, oo nin qudhuhuna ma degganaan doono. 30 Oo markii lagu dhoco bal maxaad samayn doontaa? In kastoo aad dhar guduudan xidhatid, iyo in kastoo aad dahab isku sharraxdid, iyo in kastoo aad indhakuul iska badisidba, waxtarla'aan baad isu qurxinaysaa, waayo, kuwii ku caashaqi jiray way ku wada quudhsadaan, oo waxay doonayaan inay nafta kaa qaadaan. 31 Waayo, waxaan maqlay cod sidii naag foolanaysa, iyo qaylo sidii mid ilmaheedii ugu horreeyey dhalaysa, waana codkii magaalada Siyoon, oo taahaysa, oo gacmaheeda kala fidisa, oo waxay tidhaahdaa, anigaa haatan hoogay! Waayo, naftaydii aad bay ugu daallan tahay gacankudhiiglayaasha aawadood.
<- YEREMYAAH 3YEREMYAAH 5 ->