1 Carruurtay, waalidkiinna ku addeeca xagga Rabbiga, waayo, taasu waa qumman tahay. 2 Qaynuunkii kowaad oo ballan la jiraa waa kan, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus 3 inaad nabdoonaatid oo cimrigaagu ku dheeraado dhulka. 4 Aabbayaashow, carruurtiinna ha ka cadhaysiinina, laakiinse waxaad ku korisaan edbinta iyo waanada Rabbiga.
5 Addoommadow, kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah ku addeeca cabsi iyo gariir iyo qalbi daacad ah sidaad Masiixa uga cabsataan oo kale. 6 Ha ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ahaada sida addoommada Masiixa, idinkoo doonista Ilaah xagga qalbiga ka samaynaya. 7 Niyo wanaagsan ku adeega sida idinkoo Rabbiga u adeegaya oo aan dad u adeegin, 8 idinkoo garanaya wax kasta oo wanaagsan oo mid kasta sameeyo inuu Rabbiga isla waxaas ka helayo hadduu yahay addoon iyo hadduu yahay xorba. 9 Sayidyadow, idinkuna isla waxaas iyaga u sameeya, oo cabsiinta iska daaya, waayo, waad og tihiin inuu kan ah Sayidkooda iyo kiinnaba jannada ku jiro, oo uusan dadka u kala eexan.
21 Laakiinse inaad ogaataan axwaashayda iyo sidaan ahayba, waxaa idiin wada sheegi doona Tukhikos oo xagga Rabbiga ku ah walaalkay gacaliye iyo midiidin aamin ah. 22 Waxaan isaga idiinku soo diray isla sababtan inaad xaaladdayada ogaataan iyo inuu qalbigiinna dhiirrigeliyo.
23 Walaalaha ha u ahaadeen nabad iyo jacayl rumaysad la jiro oo xagga Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix ka yimid. 24 Kulligood kuwa Rabbigeenna Ciise Masiix jacaylka aan dhammaanayn ku jecel, nimco ha u ahaato.
<- EFESOS 5